September 30, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha dawladda FS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tacsi gaar ah u diray Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka dhintay ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka.

Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa maanta loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaana kulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaasi.

COMMENTS