September 23, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta horgeynaya Golaha Shacabka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, si codka kalsoonida ugu weydiiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalban doona Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabay todobaadkii hore.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa warbixin u jeedin doona Golaha Shacabka, iyadoo warbixintaas kaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahana heshiiskii doorashada ee ay gaareen Madaxda dowlad Goboleedyada.

Kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa ah mid aad xasaasi u ah, si weyna loo sugayo, waxaana hadal jeedinta Madaxweynaha ay ku soo aaday, iyadoo dalku galayo jawi doorasho.

COMMENTS