September 3, 2020 | Posted by admin

Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka inuu xabsiga dhigo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tix-geliyo codsigiisa, islamarkaana uu xiro Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

“Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xidhibaan Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xildhibaanku inay dacwad ka taallo, islamarkaana uu dad badan dilay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si xaq-darro ah ku heyso xil-ka, islamarkaana uu cadaallad darro ku hoggaaminayo maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan is mari-waa uu ka taagan yahay shirka u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland kadib markii furitaanka shirkaasi uu shuruudo adag hor dhigay Axmed Madoobe oo ay si weyn isku hayaan dowlada Somalia.

COMMENTS