July 31, 2020 | Posted by admin

HAMBALYO MUNAASABADDA CIIDDA CARAFO EE SANADKA 1441-HIJRIGA

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatu.

Ciid Wanaagsan.

Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ee sanadka Hijriga 1441-ka.

Alle waxaan ka baryayaa in uu noo aqbalo ducada dadka muslimiinta ah ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.

Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada.

Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, oo ay tahay in si gaar ah looga warqabo agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.

Sidoo kale, waxaa waajib ah ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna wali ku xeeran, taas oo uu sababay cudurka COVID-19 oo ah wali khatar jirta, muhiimna ay tahay in aan muujinno taxadar, iyadoo loo hoggaansamayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka.

Munaasabadda Ciiddan waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, anigoo ku bogaadinaya dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgeliyada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu Ciiddan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsada jidka horumarka.

CIID WANAAGSAN

COMMENTS