September 9, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan La Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga ayaa xilligan kulan kula leh Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde qeybta Hangarka.

Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo isugu jira Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM ayaa Madaxweynaha kala shiraya arimaha Doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wafdigan ayaa daba socda walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuq maasuq iyo eex howlaha la xiriira dib u habeynta amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysaa culays dhanka siyaasada ah waxaana Muqdisho ku sugan Hogaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland oo dhaliilsan siyaasadda Dowladda.

COMMENTS