July 16, 2020 | Posted by admin

Muqdisho, Luuliyo 16, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir oo muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta iyo dib u dhiska dalka ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kaddib, marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dowlad dhiska, samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, u tanaasulka danta guud iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

DHAMMAAD

COMMENTS