September 11, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku laabtay Kismaayo kadib qaraxii maanta ka dhacay halkaas oo sababay dhimashada guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jubbaland iyo dad kale oo shacab ah.

Dhinaca kale, maanta gelinkii dambe waxaa dalka Kenya u amba baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye lamana oga waxa uu safarkiisa salka ku haayo.

Arintaan ayaa muujineysa in fashil qarka u saaran yahay Shirkii madaxa maamul gobaleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo balantu aheyd in Shalay qabsoomo.

Waxaa socda dadaalo ay wadaan xubnaha beesha Caalamka oo xal loogu raadinayo caqabadaha ku horgudban Shirka looga hadlayo arimaha doorashada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wili ma aysan ka hadlin sababta keentay in Axmed madoobe iyo qoor qoor ay ku baxaan safaro Deg Deg ah.

COMMENTS