June 7, 2020 | Posted by admin

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xilligan kulan albaabada u xiran waxaa ay hoygiisa kula leeyihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulankan ayaa ah mid qorsheysan oo Madaxweyanyaashii hore si gaar gaar ah ula yeelanayaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, waxaana ay ku hormareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Madaxweynayaashii hore oo xilligan ah mucaaradka ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo uu cadaadiska kala kulmayo ayaa mowqifkooda ku aadan in doorashada waqtigeeda ku dhacda u gudbin doona Guddoomiye Mursal, sidoo kale waxaa ay la wadaagi doonaan aragtidooda ku aadan in la helo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, ayna isla ogol yihiin saamileyda siyaasadda.

Siyaasada soomaaliya ayaa maraysa xilli kala guur ah waxaana la galayaa xilli Doorasho

COMMENTS