April 14, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Cadaado waxaa Arbacada ka furmi doono shirka lagu wado in Maamulka loogu soo sameeyo Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug), iyadoo ay ergada ku qul quleyso.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in Arbacada uu si rasmi ah uu u furo shirka, iyadoo aan la garanayn mudada uu shirkasi socon doono.

Ammaanka guud ee Magaalada Cadaado, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xaqiijinta amniga iska kaashanaaya Ciidamada Dowladda, Amisom iyo kuwa Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wasiirka Wasaaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), oo ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa iclaamiyay in ammaanka leesku halleen karo.

COMMENTS