October 10, 2016 | Posted by admin

Muqdisho, 10 October 2016 (VIlla Somalia) —- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka cusub ee KMG ee HirShabeelle oo maanta lagu dhaariyay magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi cusub.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabada horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhoweynayaa guusha lagu tallaabsadey ee dhameystirka maamulka ay yeelanayaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Nidaamka federaalka ee xukunka lagu baahinayo ayay tani dhiirigelin weyn u tahay, waxaana u rajeynayaa shacabka labada gobol inay ka faa’ideysan doonaan waaga cusub ee u baryey ee ay kaga mid noqonayaan maamullada federaalka ee dalka ka jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si weyn u soo dhoweyneyso baarlamaanka cusub ee maamulka HirShabeelle, isla markaana ay wadashaqeyn buuxda la yeelan doonto maamulkan cusub.

——————————-DHAMMAAD————————————-

COMMENTS