July 21, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha dowlada hirshabeelle mudane Ali Gudlaawe Hussein iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray degmada cadale ee gobolka shabeellaha dhexe.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmo xeebeedka cadale ayaa si diiran u soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay.

Madaxweynaha hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe xuseen ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan oo aay u sameeyeen reer cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay degmada cadale wuxuu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

COMMENTS