July 20, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saakay magaalada Galkacyo kula tukaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha ayaa salaadda ka dib hambalyada Ciidul Adxaa u diray dhamaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida ee howlgalada lagu sifeenayo cadowga argagaxisada ka wada deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay ciidamada asagoona sheegay in ay ka gacan sarreeyaan cadowga kana guulkeeni doonaan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Dowladda Puntland oo Iskaashi iyo garab istaag u muujisay Dowladda iyo shacabka Galmudug. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Puntland inay sii laba jibaaraan Iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS inay si isku mid ah uga qeyb noqdaan howlgalada lagu soo afjarayo kooxaha nabaddiidka ah.

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo garab istaagga howlgalada ka dhanka cadowga, madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay DFS inay si buuxda uga qeyb qaataan howlgalada la dagaalka argagaxisada.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Galmudug ay dhinaca kale u diyaar tahay qabashads Doorashada labada aqal ee BFS. Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug muddo dheer ay geed fadhi u aheyd dadaalada lagu doonayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyada iyo habraacyadii arrimaha doorashooyinka

Gabogabadii, ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Galmudug inay si buuxda u garab istaagan ciidamada qalabka sida ee had iyo goor u taagan xoreynta deegaanadooda.

COMMENTS