June 16, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta Dhuusamareeb kula kulmay wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambs James Swan, oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida;wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.

COMMENTS