October 22, 2021 | Posted by admin

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor in uu soo dhameystiro labada xubnood ee ku dhiman doorashada Aqalka Sare ee degaanada Galmudug.

Qoraal soo saareen Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ay Maamulka Galmudug ugu baaqeen inuu soo dhameystiro doorashada laba kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ku harsan Maamulkaas.

Galmudug ayaa ah maamulka kaliyah ee doorashada Aqalka Sare aan wali dhameystirin.

Xubnaha guddiga ayaa ugu baaqay sidoo kale in la ilaaliyo qoondada haweenka ee 30% ee golayaasha dowladda waxay si weyn ugu mahadceliyeen Madaxweynaha Jubbaland oo dhameystiray doorashada Aqalka Sare, islamarkaana hubiyay qoondada haweenka.

Ugu dambayn, Guddiyada doorashooyinka dalka ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar garoow xoogan ugu jiraan hirgelinta doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo dhawaan la filayo inay bilaabato.

COMMENTS