August 1, 2021 | Posted by admin

Guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Galmudug ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa laga codsaday inuu Soo gudbiyo liiska musharixiinta utartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Maamulada Konfur galbeed Soomaaliya iyo jubbaland ayaa horay usoo gudbiyay Liiska Xubnaha Musharaxiinta aqalka srae, waxaana jubbaland ay qabatay ama bilaawday Doorashada kuraasta aqalka sare ee jubbaland ka imaanaysa.

Hirshabelle iyo Galmudug ayaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan Liiska Xubnaha Musharaxiinta ee aqalka sare

COMMENTS