June 28, 2020 | Posted by admin

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa maanta lagu soo dhaweeyau deegaanka Dhabad oo hoostaga Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ee gaaray deegaanka Dhabad waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga magaalada Dhabad, waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaatay qeybaha bulshada ee magaalada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Madaxda Galmudug.

COMMENTS