October 20, 2017 | Posted by admin

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Xubna Ka Tirsan Saraakiisha Ciidanka Dowlada ayaa Lagu wadaa in ay Gaaraan Degmada afgooye ee Gobalka sh/Hoose, Si loo sii xoojiyo Dagaalka lagu baaqay ee Alshabaab ka dhanka ah.

Waxaa Heegan buuxa la giliyay Ciidanka Qalabka sida madaxda Qaranka iyo Qeybaha Bulshada kuwaas oo si mideysan uga qeyb qaadan doonaan Dagaalka la iclaamiyay ee Soomaaliya ka bilaaban doonto 21-ka Bishaan.

Wararka ay Warbaahintu Heshay Ayaa Muujinaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madax kale oo qaranka ka tirsan ay u guurayaan degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose si halkaasi looga hago dagaalka Al-Shabaab.

Abaabul ayaa ka socda Afgooye waxaana howlgalka ugu horeeyo ee Al-Shabaab ka dhanka ah la sheegay in uu ka bilaaban doono Shabeelaha Hoose warar kale ayaa sidoo kale sheegayo in Shabeelaha dhexe sidoo kale Howlgalka ka bilaaban doono.

 

Madaxweynaha waxa uu afgooye deganaan doonaa ilaa inta ay ka dhamaato Qatarta Al-shabaab sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya,

Waxaa laga War sugayaa Dagaalka Dowladu ay ubaaqday 21 Bishaan Kaas oo ah Mid ka dhan ah Alshabaab.

COMMENTS