September 19, 2016 | Posted by admin

Madaxwaynaha soomaaliya Xasan shiikh maxamuud ayaa sheegay in soomaaliya aysan ka gor gortameen Bada soomaaliya.

Dowladda Soomaaliyeed marnaba kama tanaasulayso hal taako oo ka mid ah baddeena in la qaato. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in baddeenu ay tahay hanti qarran oo marnaba aan gorgortan la gellin karrin.

Madaxwaynaha soomaaliya ayaa sheegay in soomaaliya ay halkaa ay umetelayaan sharci yaqaano doonaya in ay difaacaan soomaaliya.

Soomaaliya ma rabto wax yar oo xaq dara ah oo ku aadan bada soomaaliya waxa aynu dooneenaa in aan helno waxa xaqa aan ulenahay.

Hadalka madaxwaynaha soomaaliy ayaa imaanaya xili maanta dalka Holand ay ka furmayso dacwada udhaxaysa dalalka soomaaliya iyo kenya.

Maxamed daacad Muqdisho.

 

COMMENTS