June 24, 2016 | Posted by daacad yare

Shalay waxaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo Danjirayaasha beesha Caalamka Soomaaliya u fadhiya gaar ahaan kuwa taageera geeddi socodka doorashooyinka iyo Hoggaamiyaasha Soomaalida, sida aan ku baahinay Idaacaddeenii Xalay.

Haddaba war dhawaan ka so baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in la isla gartey in wax laga beddelo guddigii doorashada ee heer federaal oo keliya laga saaro dhamaan Siyaasiyiinta ku jira laguna beddelo guddiyo farsamo, si loo helo kalsoonida lagu qabi karo guddigaas.

Madaxweynaha oo uu dhinac taagan yahay Eragyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa yiri:

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqraadiga ah.Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Guddiga Doorashooyinka ee dhawaan Madaxweynuhu wareegtada ku saarey ayaa gaarayey 22 xubnood, kuwaas oo dhamaantood ay ahaayeen Wasiiro, Shaqaalaha Xafiisyada madaxda sare iyo Xildhibaano.

Magacyada Gudiga Doorashada ee laga Saaray Siyaasiyiinta

1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS

2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS

3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS

4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS

5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS

6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan

7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan

8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan

10-Barlin Cadami , Aqoonyahan

11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland

12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL

13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland

14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan Jubaland

15-Cabdiraxmaan Aadan sale , Wasiir Koonfur Galbeed

16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed

17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug

18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug

19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland

20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland

21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan

22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe

COMMENTS