July 1, 2016 | Posted by daacad yare

Munaasanadan lagu xusayay 56-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobollada Koofgureed ee Soomaaliya ay xornimada qaateen iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koofur oo lagu qabtay xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Somaaliya,R.a’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah, xubno ka socday golayaasha Dowladda ,Taliyaasha ciidanka qalabka sida,guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dhamaan dadkii munaasabadda kasoo qeybgalay laga dareemayay farxadda 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedahay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Ummadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan .

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqeyneyso ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed shacabkana looga bahanayahay inay dowladda ku tagaeeraan arrintaasi.

COMMENTS