July 13, 2016 | Posted by daacad yare

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guleyd oo ku Sugan kenya  ayaa la kulmay Siyaasiyiin iyo Musharixiin Galmudug kasoo Jeeda kulankaasi oo Ahaa Mid Muhiim ah.

kulanka Ayaa ahaa  Mid looga Hadlay Arimo Badan oo Muhiim ah isla markana Qoseeya Dhanka Doorashada Dalka iyo Xiliga kala Guurka oo Dhawaan Bilaabaneysa.

Madaxweynaha Galmudug Ayaa kulankaasi Balan ku Qaaday in uu Sameen Doono Afar Qodob oo Muhiim ah kaasi oo Musharixiinta u Balan Qaaday Madaxweynaha Galmudug iyo Musharaxiinta ay ku Heshiiyin AFAR Qodob oo  kala ah.

Waxaa Qodobada kamid Ahaa,

1- Maslaxadda Galmudug wax kasta ka hormarinayo.

2- Heshiis buuxa la gelayo Ahlu Sunna Waljamaca

3- In uu Taageerayo Musharixiinta Galmudug.

4- Dhexdhexaad ka noqdo tartanka doorasho ee Xildhibaanadda federaalka ee Galmudug ka dhacaya.

Siyaasiyiinta Galmudug iyo Musharixiinta Aya Soo Dhaweeyay Hadalka Madaxweynaha Galmudug iyo Balanqaadka uu u Sameeyay iyagoo Dhankooda Sheegay in ay ku Taageerayaan Hormarka iyo Hogaanka Galmudug sida Ay Tilmaameen.

 

 

COMMENTS