June 24, 2022 | Posted by admin

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa beeniyay warar maalmihii ugu dembeeyay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in uu jiro wadahadal iyo xiriir u dhexeeyay Soomaaliya iyo Israel.

Afhayeenka oo saxaafadda kula hadlay Villa Somaliya ayaa waxa uu yiri “Ma jiraan cid Israel tegtay, waxay madaxweynaha iyo waftigiisu u safreen Imaaraadk, Israel-na halkaas kuma taallo, Imaaraadna Israel maaha”.

Hadalkaan ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya jiritaanka warkii horay usoo baxay oo aan si rasmi ah loo aqoon cidda lagasoo xigtay Soomaaliya iyo Israel kama dhexeeyo xiriir diblumaasiyadeed.

COMMENTS