September 9, 2020 | Posted by admin
Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la sheegayaa in Maanta ay imaanayaan Muqdisho, marka ay Baydhabo ku yeeshaan shir wadatashi ah oo hal maalin ah.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ka soo ambabaxay Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inuu goordhow ka dego Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxdan marka ay soo gaaraan Muqdisho kulamo la qaadan doonaan ka hor shirka berri Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxtooyada Villa Somalia ayaa shalay ku dhawaaqday in shir ay u dhan yihiin dhan yihiin DFS, DG iyo Gobolka Banaadir maalinta berri oo khamiis ah ka furmayo Muqdisho.
COMMENTS