July 28, 2021 | Posted by admin

Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa u magacaabay madaxa Shaqaalaha NISA Cabaas Yacquub, kadib markii dhawaan xilkaasi laga qaaday Cabdullaahi Kulane.

Cabaas Yacquub oo loo magacaabay xilka madaxa Shaqaalaha hay’adda NISA ayaa bedalaya madaxii hore ee Shaqaalaha Cabdullaahi Kulane oo uu dhawaan xilka qaadis ku sameeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Masuulkan cusub ee loo magacaabay madaxa Shaqaalaha NISA ayaa la sheegay inuu horay uga mid ahaa hogaanada sare ee hay’adda NISA, kaaso la sheegay inuu haayay xilka maamulka Maaliyada iyo Tiknoolajiyada hay’adda NISA.

Magacaabista Cabaas Yacquub ayaa imaaneysa kadib markii dhawaan xilkaasi laga xayuubiyay Cabdullaahi kulane oo ahaa madaxa Shaqaalaha NISA, iyo Taliyahii Nabadsugida garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, kuwaas oo jebiyay go’aankii Raysal wasaare Rooble ee ahaa inaan garoonka laga celin karin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya iney ka dhoofaan.

COMMENTS