September 8, 2020 | Posted by admin

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ku wajahan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, ka dib markii uu casuumay Madaxweyne Lafta-gareen.

Ujeedka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan Madaxda Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa haatan waxaa ka socota diyaar garoow ballaaaran oo lagu soo dhaweynayo Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug oo saacadaha soo socda tegaya halkaas, iyadoona amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti, isagoo halkaas kula soo kulmay Madax kala duwan.

Si kastaba xaalku ha noqdee Shirkaan gaarka ah ee ka dhacaya Baydhabo ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in shirka iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo ku dhexmari doono Muqdisho ay kasoo qeyb galaan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ka maqan, si heshiis rasmi ah looga gaaro Doorashada 2020/2021, Waxaana dalabkaasi uu yimid ka dib Markii uu dhicisoobay Shir Farmaajo la yeelan lahaa Axmed madoobe iyo dani.

COMMENTS