July 9, 2020 | Posted by admin

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waanwaan ka dhex bilaabay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Ku xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, kasoo daba socday kulankii ugu danbeeyay ee labada dhinac dhex maray.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa in qodobadii laga wadahadlay la dardar geliyo, iyadoo si gaara looga hadlay sidii loo soo celin lahaa wadashaqeyntii labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa kulanka Warbixin looga dhageystay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari

“Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Khilaafka ka dhaxeeya guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa yimid kadib markii guddoonka Golaha Shacabka uu la wareegay awooda Xeerarka dhameystirka Doorashada oo ay soo diyaariyeen Guddi labada Aqal ka tirsan, waxayna howshan ahayd tii looga fadhiyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la saftay Guddoonka Golaha Shacabka.

COMMENTS