July 23, 2020 | Posted by admin

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweeysay go’aanadii ka soo baxay shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada oo xalay lagu soo geba-gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarnuta Galmudug.

Madasha ayaa sidoo kale ammaan weyn u jeedisay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo shacabka Galmdug martigelinta shirka madaxda dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowlada iyo kuwo dowlad goboleedyada inay si dhab ah u fuliyaan go’aanadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb.

Madasha ayaa ka digtey in uu dalku galo firaaq dastuuri ah haddii aysan doorashadu ku dhicin waqtigeeda.

COMMENTS