July 7, 2020 | Posted by admin

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaanka dhaqanka Beesha Mudullood oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha XQ Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ee lagu dhawaaqay inuu qabsoomi doono siduu u noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho.

Shirka ayaa ku soo gababgaboobay jawi farxad leh iyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danaha guud ee dadka.

COMMENTS