October 10, 2021 | Posted by admin

Sida Qorshuhu ahaa Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa  Ayaa La qorsheeyay in La qabto Maanta oo kale 10 October.

29-kii Bishii June ee sanadkaan ayaa Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka waxaa ay soo saareen Jadwal doorasho oo ka dhashay heshiiskii 27-kii May ay ku gaareen Magaalada Muqdisho , kaas oo ugu dambeyn Maanta oo taariikhdu ku beegan 10-ka Octoober loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, balse jadwalkaas uu Shaqeyn waayay.


Marar badan  ayay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, iyada oo uu dhaqan geli waayay Jadwalo doorashada ku saabsan  oo ay soo saareen Golaha wadatashiga qaran iyo Guddiga Doorashada.

Culeys dhanka Siyaasada ah iyo Caqabado Hor Leh Ayaa isku gedaamaya Qabashada Doorashada Madaxweynaha, waana Tan Maalin walba dib u dhigaysa in Doorashada si Toos ah Loo gudagalo.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro,  ayaa sheegay in jadwalka doorashada farsamo ahaan ay lahaayeen Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran, balse ka guddi ahaan ay doorashada qabsoomideeda ay u qorseeheyeen 50 maalmood gudahood inay ku dhacdo.

COMMENTS