September 20, 2020 | Posted by admin

Maamulka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray amaro ku socda milkiilayaasha Guryaha iyo Hoteelada ku yaalla Magaaladaas, si loo xaqiijiyo amniga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa waxaa dhammaan milkiilayaasha Guryaha Jowhar lagu amray inay diiwaan geliyaan dadka kirada ugu jira Guryahooda ama kuwo laga kireynayo.

Sidoo kale milkiilayaasha Hoteelada ayaa waxaa la faray in laamaha amniga Maamulka ay lasoo xiriiriyaan Cid kasta oo degeysa Hotelka, waxaana la shaaciyay in cid aan Laamaha amniga iyo Maamulka warqad cadeyn kawadan aan Guri laga kireysan karin.

COMMENTS