November 27, 2016 | Posted by admin

Maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay Gobalka Hiiraan oo lagu guulaystay in la kala qaado.

Col: Cabdi Axmed Weheliye  oo ah afahayeenka gudiga amniga ayaa sheegay in ay goobta tageen iyadoo uu dagaalku socdo, isla markaana ay ku guuleysteen in ay kala dhex galaan.

Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliskiisa Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday markii ay haleeshay Rasaastii lays weydaarsanayay sida ay sheegay kornelka.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo asna halkaa ka hadlaya ayaa soo jeediyay in la kala qaado ciidamada islamarkaana laga wada shaqeeyo Horumarka Gobalka Hiiraan.

Waxaa Muhiin ah in laga taxadaro waxaana ogsoon nahay in ay jiraan dad hurinaaya colaada Tilaabo ayaana laga qaadayaa dadkaasi,sidaasi waxaa sheegay Gudoomiye Cali Jayte Cismaan.

 

Madaxda Gobalka Waxgaradka iyo uqaasha ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay kala qaadaan Dhinac yadii ku diriray Dulaydka Gobalka Hiiraan,

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS