October 2, 2016 | Posted by admin

Gudoomiyaha  gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kahadlay wadooyinka xiran eek u yaala magaalada Muqdisho ayaa amray in la furo wadooyinkaasi oo muhiim u ah bulshada gobolka Banaadir

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in wadooyin la xiro oo dhagxaan lagu gooyo aaney sugi Karin amaan, balse muhiim ay tahay in laga fakiro xal kale.

Waxaa uu sheegay in suura gal aaney aheyn in wadooyinkaasi ay sii xirnaadaan, waxaana uu amray in bulshada loo furo jidadka xiran si ay u isticmaalaan.

Dadka ay u xiran yihiin wadooyinka ayuu ugu baaqay in ay furaan wadooyinka , islamarkaana ay ka qaadaan dhagaxaad waa weyn ee ay soo dhoobeen.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu sheegay in ay soo bateen jidadka bilaa micno darada laisaga xiranayo ee Muqdisho,

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS