January 13, 2021 | Posted by admin

Maamulka Gobolka Bnaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka shiray sidii Maamulka Gobalka Banaadir Loogu wareejin lahaa Maamulka Adeega Caafimaad ee Gobalka Banaadir.

Shirkaan ayaa Lagu dhisay Gudi 2 geesood ah oo ka shaqeyn doona sidii Gobolka Banaadir loogu wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Gobolka Banaadir.

Gudiyadaas ayaa waxaa la sheegay in laga doonayo iney warbixin soo gudbiyaan dhamaadka bishaan si ay Aakhirka u saxiixaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka Caafimaadka in Gobalku uu la wareego Maamulka Xarumaha Caafimaadka ee Caasimada.

COMMENTS