September 16, 2020 | Posted by admin

Maamulka Galmudug ayaa  ku guuleystay xallinta Deegaanno ay ka jireen is qabqabsi dhanka dhulka ah oo u dhexeeyey xoolo dhaqato wada daga
Sadex Higlo iyo Gowlale oo ka tirsan Gobolka Mudug

Masuuliyiin isugu jira Maamulka Gobalka Mudug, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug iyo xildhibaano ayaa ku guuleystay in ay wax Ka qabtaan khilaafaadka mudooyinkii la soo dhaafay ay isku hayeen beelo ka mid ah kuwa dega gobolkaasi.

Marar badan ayeey sidaan oo kale deeganada gobolka Mudug uga dhaceen xiisado iyo shaqaaqooyin la xariira lahaanshiyaha dhulal kuyaala deeganka iyo goobaha biyaha laga cabo iyadoo maamulku uu ku dadaalayo sidii mardanbe aysan deeganka ugu soo laaban  dhacdooyin kuwaan lamidka ah

COMMENTS