June 21, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa diiday in uu qayb ka noqdo warsaxaafadeed ay Wadajir u soo saari lahaayeen dawlad Goboleedyada.

Warsaxaafadeed ka ayaa ku saabsanaa go’aan looga soo horjeedo afarta xeer uu soo gudbiyay Guddiga wadajirka dhameystirka, gaar ahaan xeerka Kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay gobolada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wada hadalo khadka taleefanka oo labadii habeen ee la soo dhaafay dhex marayay Madaxda dowlad goboleedyada ayay uga hadleen sidii ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayeen afarta xeer ee Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka u gudbiyay Baarlamaanka oo haatan dooddiisa socoto.

Wararka ay intaa ku daraya in Madaxweynaha Galmudug uu ku andacooday in hada howshiisa bilow tahay oo aanu dooneyn inuu khilaaf iyo arrin u taal Baarlamaanka inuu faraha la galo.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa la aaminsan yahay in uu cadaadis kaga imaanayo dhinaca dowlada Federaalka ah, iyadoo horay uu uga gaabsaday inuu war ka soo saaro baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana la sheegay in si uu dhex dhexaad u noqdo uu door bidayay in gogosha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu qabto Galmudug.

Lama oga sida ay Galmudug xaaladan ugu sii jiro karto, iyadoo la filayo in uu yahay maamul Goboleedyada miisaan wayn ku leh siyaasada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dawlad Goboleedyada u diray casumaad kulan khadka video ah oo ay maalinta beri ah yeeshaan madaxda dowlada federaalka ah iyo kuwa dawlad Goboleedyada.

COMMENTS