October 13, 2021 | Posted by admin

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa waxaa uu soo saaray awaamiir lagu sugayo Amniga Gaalkacyo

Guddoomiyaha ayaa wareegtadiisa waxa uu ku faray milkiilaayasha ama maamulayaasha Hoteelada Gaalkacyo inaysan marti gelin shirar ama siminaaro aan loo heysanin warqad ogolaansho maamul ah, isla markaana ciddii hotelkeeda ku qabata arrimaaas oo aan fasax Maamul loo heysan ay la kulmi doonaan sharci adag.

Sidoo kale waxaa amarkan la faray qofkasta ama urur kasta ee qabanayo shir ama siminaar inay warqad ogolaansho ah ka soo qaatan maamulka Degmada, si loo hubiyo waxa ay qabanayaan, taasi oo lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha uu maamulka ku xoojinayo amniga magaalada Gaalkacyo.

COMMENTS