July 16, 2020 | Posted by admin

Cali Maxamed Geedi Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo in Mudda ah Lagu tirinayay inuu aad ula dhacsanyahay siyaasada Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa ka soo Muuqday Madashada Xisbiyada Qaran.

Saacadihii La soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada Lagu Faafinayay in Cali Maxamed Geeddi uu ku biiray Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana Caawa uu kulan la qaaday Madaxdii Hore ee Dalka, iyo xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka oo Madasha ka Tirsan.

Cali Mahdi, Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Cabduqaadir Macalin nuur, Muuse suudi yalaxoow iyo Cabduqaadir Cosoble ayuuna ka soo dhaxmuuqday Cali Maxamed Geedi R/W hore ee Dalka.

Kulanka caawa ayaa abuuraya xiisad cusub oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya, waxuuna kulankaan imaanayaa xilli Todobaadka Dambe uu furmayo Shirka Mudulood oo Todobaadkaan dib udhacay.

COMMENTS