July 1, 2015 | Posted by admin

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Dowlada Itoobiya kasocda ee ka howlgala Gobolka Galgaduud ayaa lagu eedeeyay in Deegaano katirsan Gobolkaasi dhawaan ku laayeen dad Shacab ah ay ku jiraan Macalimiin dugsi.

Waxgaradka Gobolka Galgaduud oo Qaarkood la hadlay Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay dad badan ku laayeen Deegaanada Ceel Qooxle iyo Ceel-la-heley oo hoos taga Degmada Ceel-buur.

Macalin Maxamuud Cali Maxamuud oo kamid ah Waxgaradka Deegaanadaasi ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya 27-dii bishii June ay Deegaanada Ceel Qooxle iyo Ceel-la-heley ay ku dileen dad gaaraya 16-qof oo rayid ah ay ku jiraan labo Macalin Dugsi oo caan ka ahaa Deegaanadaasi.

” Ciidamada Itoobiya dad badan ay laayeen oo rayid ah , dadka la dilay waxaa ku jiray labo Macalin oo Dugsiga dhigi jiray aadna looga yaqaanay Deegaanadaasi kuwaa oo kala ah Sheekh Daahir Xede Maxamed iyo Cabdullaahi Bood Cabdi Fiidoow , walina ma ogin sababta dadkaasi loo laayay” Ayuu yiri Macalin Maxamuud Cali Maxamuud .

Waxagaradka Gobolka Galgaduud ayaana cabasho ka muujiyay Dilkan ay Ciidamada Itoobiya ay u geesteen dadka Shacabka ah , waxa ayna ugu baaqeyn Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM in ay arintan wax ka qabtaan kana hadlaan.

Wali ma jiro ilo kamadax banaan waxgaradkan ka hadlay Dilka ay Ciidamada Itoobiya ka geesteen Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud,waxaana Deegaanadaasi ka dhaca xiliyada qaar dagaalo dhax mara Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-Shabaab

COMMENTS