November 24, 2021 | Posted by admin

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Galmudug.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta & shahaado siinta 5 kamid ah musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka oo qorshuhu ahaa in doorashadooda la qabto, balse lama kursi la soo hormariyay.

labada kursi oo kala ah Hop26 oo ay horay ugu fadhiday Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge, balse la filayo in uu u tartamo kuna soo baxo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) yo Hop104 oo uu horay ugu fadhiyay Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Golaha Shacabka ayaan lahaan doonin tartan adag, iyada oo dadka tartamaya ay diyaarsadeen ergadii dooran laheyd iyo shaqasiyaadkii la tartami lahaa oo iyagu ay wataan.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada shan kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda si dardar leh uga bilaawdaan dowlad Goboleedyada, waxaana Maamulka Galmudug kan xiga uu noqon doonaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

COMMENTS