July 23, 2014 | Posted by admin

Laba ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, ayaa waxay maanta duqeymo ay ka geysteen duleedka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Diyaaradahaan oo joog hoose ku duulaayay, ayaa waxay gantaalo la beegsadeen goob lagu magacaabo Nambar Afar (NO 4), oo ku dhow Xaruntii hore ee Mashruucii Faanoole.

Xoogaga Shabaab, ayaa hubka lidka diyaaradaha ku caabiyay diyaaradihii dagaalka ee gantaalaha la beegsaday Xarunta Nambar Afar, halkaasoo aan la aqoon khasaaraha ka soo gaaray Shabaabka.

Duqeymahaan waxaa lagu soo beegay, xilli maanta Al Shabaab ay Degmada Jilib ku soo bandhigtay gaari nooca dagaalka ah, oo ay sheegeen inay dagaal kaga soo furteen Ciidamada Kenya.

Dadka degan Degmada Jilib, ayaa waxay ku sheegayaan in maanta ay argagax badan ka muujiyeen, duqeymihii ay isweydaarsadeen Shabaabka iyo diyaaradaha dalka Kenya.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca ee Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa waxa uu ku goodiyay inay Kenya sii wadi doonto la dagaalanka ay kula jirto Ururka Al Shabaab.

COMMENTS