July 31, 2021 | Posted by admin

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo ayaa laga saaray Liiska tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare.

Kuraasta shanta ah ee Aqalka Sare ee uu soo gudbiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa ahaa kuwo aad ugu dhow oo uu wato, iyadoo uu meesha ka saaray afar sanatar oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Madaxweynaha Konfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa Loo arkaa inuu yahay Xubin Muhiim ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ay gaysay Konfur Galbeed islamarkaana aana awood badan ku laheen Siyaasadda

COMMENTS