January 12, 2021 | Posted by admin

Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay shirweyne Looga soo Horjeedo xil ka xayuubin dhawaan la sheegay in Lagu sameeyay Nabadoon Maxamed Cabdi shiddo oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed.

Shalay ayay Muqdisho ku shireen odayaal dhaqan waxayna sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Sudlaan Maxamed Cabdi shiddo.

Laakiin Kulan Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa gaashaanka Lagu dhuftay Warar ay baahiyeen Warbaahinta, waxa ayna sheegeen Odayaal dhaqan siyaasiin iyo dhalinyaro kulanka ka qeyb galay in Go’aankaas uu yahay mid dabada Laga riixayo.

Xildhibaan sahro Cumar Maalin oo ka Mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ka qeyb galay Kulanka Lagu Taageerayo Nabadoon Shiddo.

waa Kulan lagu taageerayo Nabadoon Shiddo oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Mudulood, waxuuna ka mid yahay odayaasha Saxiixayaasha ee Soomaaliya

dhamaan dadkii ka qeyb galay kulankaan ayaa ka soo Horjeestay warar Lagu baahiyay warbaahinta ee la xariirta in kalsoonidii lagala laabtay Nabadoon shido, waxaana ka soo qeyb galay odayaal dhaqan oo shalay kulankaasi goob joog ka ahaa

COMMENTS