July 20, 2020 | Posted by admin

Kulankan oo ah mid hordhac ah ayaa ka socda Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, iyadoo kulankan uu ka dambeeyay kulamo hordhac ah oo saacadihii la soo dhaafay si gaar gaar ah ugu dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan hordhaca ah looga hadlayo is fahamka guud ee shirka soo socda, waxaana shirkan yahay mid albaabada u xiran.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in ujeedku yahay ka tashiga shirka soo socda iyo sidii iyadoo lagu mideysan yahay ajandayaasha shirka sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb 2.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

COMMENTS