March 23, 2013 | Posted by admin

Ganacsatada Soomaalida ah ee ka shaqaysata dalka Koonfur Afrika iyo qoysaska deggan magaalooyinka waawayn ee dalkaasi ayaa lagu soo warrramayaa inay billaabeen inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Boqollaal qof oo ay ku jiraan qoysas carruur wata ayaa la soo sheegayaa inay toddobaadyadii ugu dambeeyay ka bexeen dalka Koonfur Afirka.

Dad gaaraya 150 qof oo ay ku jiraan qoysas ayaa la sheegay inay habeenkii Jimcaha oo kaliya ay ka soo duuleen garoonka diyaaradaha Johannesburg, waxaanay ku wajahanaayeen magaalada Muqdisho.

Soomaalida doonaysa inay dalka ku noqdaan oo markii hore dhibaato ku qabay warqadaha socdaalka ayaa hadda nafisay, kaddib markii safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay billowday bixinta waraaqaha dal-ku-noqoshada (Go home).

Amniga caasimadda Soomaaliya iyo qaar ka tirsan gobollada dalka ayaa ku dhiirragelinaya inay qurbajoogta ku noqdaan dalka, iyadoo ay sii kordhayso tirada qurbajoogta ah ee Muqdisho deegaan ahaanta u tagaya ama ganacsiyo ka abuuranaya dalka.

COMMENTS