September 15, 2020 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka mudane Maxamd Sh. Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu yimid

Kheyre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen doorashooyinka, xaaladda kala guurka iyo Mustaqbalka dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada.

Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii Madaxtooyadu ay qoonsatay aragtidiisii aheyd in la qabto doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Musharax Maxaweyne Xasan Cali Kheyre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad waxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

COMMENTS