September 19, 2016 | Posted by admin

Jabriil ibraahim cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax utaaqan qabashada xilka madaxtinimada soomaaliya.

Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay Kumanaan shacab ah oo dhalinyara ubadan.

Jabriil ayaa hada sheegay in uu yahay musharax utaagan in uu qabto sanadkaan 2016 madaxtinimada soomaaliya.

Dadkii ka soo qayb galay munaasabada ayaa sheegay in ay ku farax san yihiin musharaxa maanta codkiisa shaaciyay.

Waxa uuna balan qaaday in uu soo nooleen doono dhaqaalaha wadanka soomaaliya hadii uu xilka ku guuleesto waxa uuna sidoo kale sheegay in ciidamada mushaar joogta ah uu ubalan qaadi doono.

Jabriil ibraahim cabdulle ayaa horay u ahaa  Madaxa Hay’ada CRD waxuuna maanta ku dhawaaqay in uu ka mid yahay musharaxiinta sanadkaan 2016.

Maxamed daacad muqdisho.

COMMENTS