January 19, 2013 | Posted by admin

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa soo dhaweysay aqoonsiga markii ugu horreysay shalay Mareykanku siiyey dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991.

Wara kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya soo dhaweyneyso aqoonsiga Mareykanku markii ugu horreysay siiyey dowladda Soomaaliya tan markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya ee uu hogaamin jiray Jen. Max’ed Siyaad Barre.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in aqoonsigaani wada u xaarayo kaalmo caalami ah oo Mareykanka iyo dalalka caalamku siiyaan Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsiga Mareykanku yimid kadib horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka iyo siyaasadda.

Mareykanka ayaan xiriirka u jarin Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, hase ma aqoosan mid ka mid ah dowladihii Soomaaliya laga dhisay 20-kii sano ee tegay.

Shalay ayaa caasimadda dalka Mareykanka ee Washington si rasmi ah xoghayaha arrimaha debadda dalkaas Hillary Clinton uga dhawaaqay in Mareykanku aqoonsaday dowladda Soomaaliya, iyadoo arrintaas lagu dhawaaqay xilli ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

COMMENTS