July 29, 2022 | Posted by admin
Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa goordhaw baahisay in dagaalka maanta ka dhacay gobolka Bakool ay ku dishay 3 sargaal oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab,
Saraakiisha la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay, Fu’ad Mahamed Khalif[Shengole] oo ahaa Madaxa abaabulka iyo Tashkiilinta kooxda Alshabaab, kamid ahaa madaxda sare ee kooxdaasi, Abdul Casiis AbuMuscab oo ahaa afhayeenka Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobolka Bakool Cubayda Nuur Ciise, sida uu sheegay Jeneral Tasafaye Ayelow oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Itoobiya
COMMENTS