April 21, 2015 | Posted by admin

Qaraxa gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Maqaayada lagu magacaabo “BANOODA” ee kasoo horjeeda Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Burbur xoogan, ayaa maqaaxida Banooda ka soo gaaray weerarkii gaariga loo adeegsaday, ee duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaaxidaasi, oo ku taala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Gaari nooca raaxada ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, lana soo dhigay albaabka hore ee maqaaxida, ayaa markeliya jug culus sameeyay, xilli maqaaxida uu ka jiray mashruuc xoogan, xilligii qadada oo qaraxaasi lagu soo beegay awadeed.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in maqaaxida la weeraray ay fariisan jireen Shaqaalaha Madaxtooyada iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federalka Somaliya. Waxaana la tilmaamay in bartilmaameydku uu iyagu ahaa.

Laakiin weerarkaasi, ayaa wuxuu khasaaraha xoogiisu ka soo gaaray dad rayid ah, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah laba wiil oo kabaha caseeye (Baalashle-yaal). Sidoo kalana waxaa jira haween ku sugnaa halkaasi oo ku geeriyooday, iyadoo haweenka dhintay ay ku jiraan kuwo shidaalka halkaasi ku iibin jiray.

Haweeneydii maqaaxida laheyd oo magaceeda lagu sheegay Maryan, ayaa ka mid ahayd dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyadoo si xun ugu waxyeelooday qaraxa.

Warar kale waxay sheegayaan oo hadda na soo gaarey in khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashay uu tirada dhimashada ilaa iyo hada la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 10-ruux, waloow aysan jirin cid si rasmi ah tirada u xaqiijisay.

Goobta maqaayada ah ee qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ku sugnaa dad ka cunteenaayay xilligaasi, oo dhaawac iyo dhimasho kasoo gaaray qaraxaasi.

Dadka kale ee ku dhaawacmey ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.

Weli Booliiska kama aysan hadlin qaraxaan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu weeraray goobta maqaayada ah ee laga cunteeyo.

Ilaa hada ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaan maanta lagu qaaday maqaayada Banooda ee Muqdisho.

Shalay ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen shaqaalo ka tirsan Hay’adda UNICEF ee Magaalada Garoowe oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

COMMENTS