October 17, 2017 | Posted by admin

Waxaa Caawa Xiran Wadada ka baxda Bacad laha Xamar wayne ee marta isgooska Ceel-gaabta ee Muqdisho.

Ciidamada Amaanka soomaaliya ayaa ku amray Qooysaskii Deganaa Agagaarka isgooska Ceel gaabta in laga Guuro Sababa Amni darteed.

Dadkii waxaa Lagu war geliyay in Halkaasi uu yaalo Gaari qarax Looga Shakiyay.

Cabsidaas ayaa sababtay in Dadkii Halkaasi laga Raro, Ka dibna wadadii la xaray.

Si kastaba Ha ahaatee Arintaan ayaa Timid xili dhawaan Qarax xoogan uu ka dhacay isgooska Soobe ee Muqdisho Kaas oo Loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarax laga Soo buuxiyay.

La soco Faah faahinta

COMMENTS